Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi ka socda Wasaaradda Qorshaynta Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana soo dhoweeyey xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Qorshanta Galmudug Mudane Cabdikaafi Maxamuud Qaaf iyo qaar ka mid ah Bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdikaafi Maxamuud Qaaf ayaa soo dhowayn kaddib waxa uu xusay inay ka gacan siinayaan howlaha ay qaban doonaan inta ay joogaan, taasoo ah howlihii loo xil saaray ka Wasaarad ahaan.

Xubnahan ka socday Wasaaradda Qorshaynta ayaa waxaa hogaaminayey Dr Maxamuud Abuukar Saneey oo ah lataliye sare ee Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya waxa ayna u yimaadeen Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad, iyagoo kulamo la yeelan doona Ururada Bulsha Rayidka, Baarlamaanka, Hay’adaha, Maamulka iyo Ganacsatada.

Dr Maxamuud Abuukar ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey Socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Dhusameb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxa uuna xusay inay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan Qaybaha Bulshada iyo Laamaha Maamulka Galmudug.

Wasaaradda Qorshaynta Xukuumada Soomaaliya ayaa kulamo wada tashi ah la yeelanaysay Bulshada Soomaaliya kuwaas oo intooda badan ka dhacayeen Gobolada Dalka, kuwaasi oo lagu horumarinayey meelmarinta Qorshaha Qaranka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb”

U Jawaab Wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo gaaray Dhuusamareeb – Radio Daljir – Idman News Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com