Wafdi ka socda Federaalka Itoobiya oo Jig-jiga u jooga xal-u helidda Colaado ka jira Xadka Somalia iyo Itoobiya

Sabti, Juun 06, 2015 (Daljir) — Wararka laga helayo xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ayaa sheegaya in maanta magaalada ay soo gaadheen wafdi culus oo kayimid magaalada Addis Ababa oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan.

Wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in wafdigu ka kooban yahay wasaarada arimaha dibada,wasaarada gaashaandhiga,gudiga amniga qaranka iyo saraakiil ciidan.Ujeedada socdaalka wafdigan culus ayaa lagu sheegay inay ku qotonto xal uhelida dagaalada soo noqnoqday ee mudada isbuuca ka badan ka socda deegaanada dhaca xuduuda degmada Shilaabo la wadaagto gobolka galgaduud.Dagaaladan ayaa sida wararku sheegayaan ah kuwo aad loogu hoobtay.

Sidii aan horay u shaacinay waxaa saaka magaalada Jigjiga gaadhay wafdi kale oo ka socday dhanka dowlada Somalia oo uu horkacayay wasiiru dowlaha madaxtooyada Mahada Maxamed Salaad.Wafdigan ayaa la sheegay inay ka kooban yihiin siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda gobolka Galgaduud.

Xogta laga helayo magaalada Jigjiga ayaa sheegaysa in lagu balamay in maalinta bari ah la isugu yimaado kulan sadax geesood ah oo ka dhici doona magaalada Jigjiga.Kulankan ayaa waxaa isugu imaan doona wafdiga ka socday dowlada dhexe ee Itoobiya,madaxda DDSI oo uu weheliyo taliyaha guud ee ciidanka Liyu booliska iyo wafdiga ka yimid dhanka Soomaaliya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com