Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo Gaaray Kismaayo

Sabti, December 26, 2015 (Daljir) — Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay kulan kula leeyihiin Madaxda maamulka Jubbaland.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa la filayaa in marka ay u soo gabo gabowdo kulamada uu la yeelanayo Madaxda Jubbaland uu socdaal ku tegi doono xeryaha ay ku jiraan ciidamada isku dhafka ah ee lagu tababbarayo Kismaayo, kuwaasi oo uu ugu kuurgeli doono xaaladda ay ku shaqeeyaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo wafdiga la socda ayaa inta ay ku suganyihiin Kismaayo waxa ay sidoo kale kula la yeelan doonaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka ka howlgallada Gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo ay ka dhagaeysanayaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com