Waddooyin ka mid ah Bossaso oo caawa loo xiray sababo amni

HomeWararka

Waddooyin ka mid ah Bossaso oo caawa loo xiray sababo amni

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaaso ayaa ku hareeraysan wadada laamiga ee u dhow isgooyska Gaaca, kadib markii lagu arkay walax looga shakiyay aal

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ka dooday Hab-raaca dib u eegista Dastuurka
Madaxweyne Qoorqoor oo ku dhawaaqay qorshe hubka looga dhigayo maleeshiyada hubeysan
Ciidanka Amniga Boosaaso oo xiray Guddoomiyihi Gudiga dhismaha Wadada Bosaaso

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaaso ayaa ku hareeraysan wadada laamiga ee u dhow isgooyska Gaaca, kadib markii lagu arkay walax looga shakiyay aaladaha qarxa oo ku jirta bacaha nooca madow ee lagu adeegto oo halkaasi lasoo dhigay, waxaana guud ahaanba la xiray wadada inay isticmaalaan dadka iyo gaadiidka kalle duwan.

Goobta ayaa waxaa ku yaalla xarumo ganacsi oo waawayn, iyadoona ay ka baxaan gaadiidka gobolada aada iyo kuwa dadwaywanaha ee ka shaqeeya gudaha magaalada Bossaso.

Ciidamada ammaanka ayaa bishii hore fashilyaya waxyaabo qarxa oo isla bartaasi lasoo dhigay kadib markii ay shacab goobta ku ganacsanayay ay kusoo wargeliyeen, waxaana ay ciidanku ay qarxiyeen iyadoo aan wax khasaare ah gaysan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: