Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg oo Aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya

Laba ka mid ah wadamada Qaarada Yurub aya waxaa ay sirasmi ah ugu dhawaaqeen inay Aqoonsadeen baasaboorka Dalka Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dalka dalal yar laga qoonsanaa.

Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg,kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa sida la sheegay waxaa siwadajir ah ay uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Labadaan wadan ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo dhibaato ku qabay arrimaha baasaboorka iyo Socaalka,hayeeshee tan ay waxwalba u fududeyneyso.

Horay ayaa waxaa Baasaboorka Soomaaliya u aqoonsaday Wadamo badan oo uu ka mid yahay dalka Norway,waxaana dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inay dadaal u galeyso sidii wadamada Qaarada Yurub u aqoonsan lahaayeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg oo Aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya”

  1. Mohamed ahmed

    Aniga ayaa ku nool wadanka belggium wana ku faraxsnahay arintaas

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com