Wadahalkii dhex maray M/weyne Faroole iyo danjire Mahiga oo aan wali la shaacin; walwal laga qabo is af-garan-waa dhaca.

Garowe, Aug 07 – In badan 24 saacadood ayaa laga joogaa markii uu magaalada Garowe ka dhoofay wakiilka xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaddib kulan wakhti kooban qaatay oo uu la yeeshay m/weynaha Puntland, walina lama shaacin wixii la iska meeleeyey.

Danjire Augustine Mahiga, oo si aan horay loo sii shaacin oo kadis ah ku yimid caasumadda Puntland ee Garowe ayaa aqalka madaxtooyada Puntland shir al-baabada loo-laabay kula yeeshay m/weynaha dawladda Puntland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ shirkaasi oo ku saabsanaa isla-meeldhigidda goobta lagu qabanayo shirka wada-tashiga ah ee Soomaalida sida ilo-wareeddo madaxtooyo ahi noo xaqiijiyeen.

Wadahadalka ay yeesheen labada mas’uul oo wakhti kooban qaatay ayaa wali warbaahinta loo gudbin waxyaabihii rasmiga ahaa ee ay isla soo qaadeen, amaba ay isku af-garteen, taasoo la filayey xilli hore in la shaaciyo.

Warar aan wali si rasmi ah loo caddayn ayaa tilmaamay wadahadalkii dhex-maray m/weyne Faroole iyo danjire Augustine Mahiga, in aan lagu gaarin is af-fagarad-buuxa oo la taaban karo, ayna lamada mas’uul ku kala aragti-duwanaadeen magaalada marti-galin doonta shirka wada-tashiga ah ee Soomaalida.

Saacadaha innagu soo aaddan ayaa lagu wadaa dawladda Puntland in ay shaaciso nuxurkii shirkii shalay iyo sidoo kale aragtideeda ku aaddan shirka wada-tashiga ah ee Soomaalida.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com