Wadahadalladi Dowladda Somaaliya iyo Somaliland oo bilaabanaya

Bartamihii todobaadkii la soo dhaafay waxaa Qadka Tilefoonka ku wadahadlay Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo Madaxeynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka,gaar ahaan muranka Somaliland iyo Puntland ee Gobolka Sool,sidii dib loogu billaabi lahaa wadahadallada dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland.

Intii wada sheekeysigaasi socday waxaa ay Madaxdu isla soo qaadeen in wadahadallada labada dhinac dib u billaabaan,waxaana soo baxaya warar sheegaya in markan meel aan Turkiga ahayn lagu qabanayo.

Wadahadalka Taleefanka ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa ka shaqeysay Hay’adda CENTER FOR HUMANITARIAN DIALOGUE.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com