Wadaad Somali ah oo lagu soo ogaaday dacwad ah in uu jeediyay Khudbado Jihaadka Dhiir-galinaya

Bursaalax, 29, March, 2016-(Daljir)_Dowladda Marekanka ayaa u gudbisay maxkamadda gobolka Minnesota dacwad ka dhan ah Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada dalkaasi.
 
Dacwad oogyayaal dowladda dhexe ka tirsan ay sheegeen in Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah sharciyaqaannada u jeediyay khudbad dhiirigalinaysa jihaadka dadka lagu waxyeelleeyo.
Sheekh Xasan waxuu ka mid yahay Qareennada iyo sharci-yaqaannada difaacaya kiiska Maxamed Faarax oo ah wiil Soomaali-Maraykan ah oo loo haysto dacwad la xiriirta inuu doonayay inuu u safro Syria si uu ugu biiro Daacish.
 
Imaam Sheekh Xasan Jaamici oo ka hadlayay dacwadda laga gudbiyay waxuu beeniyay inuu jeediyay khubaddo lagu dhiirigaliyay jihaadka dadka lagu waxyeelleeyo, wuxuuna eedahaasi ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan oo dowladda Maraykanku ay ka dambeyso

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com