Wada hadalo u dhaxeeya DFS & Puntland oo maanta furmaya

Waftigii dawladda federaalka ee uu hoggaaminayey R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka iyo madaxda dawladda Puntland ayaa la filayaa maanta oo Axad ah in ay u bilawdaan wada-hadalladi  siyaasadeed ee uu daarranaa dulacda safarka R/wasaaraha iyo waftigiisu.

Ila xog-ogaal ah oo labada dhinac ah ayaa Daljir u xaqiijiyey suuragalnimada inta maanta ah in ay qabsoomaan wada-hadallo hordhac ah, kuwaasi oo ku saabsan habkii la iskugu qancin lahaa dhabbaha lagu gaarayo doorasho dhacda dabayaaqada sannadkaan iyo hannaanka lagu soo xulayo golayaasha aqallada baarlamaan ee dawladda federaalka.

Xukuumadda Puntland iyo shacabkeeda ayaa horay u diiday hannaanka xulidda golayaasha baarlamaan ee soo socda in lagu saleeyo nidaamka 4.5, kaasoo ay u gogol-xaartay dawladda federaalku, ayna ayideen maamullada kale xubnaha ka ah dawladda federaalka.

Wada-hadallada ayaa sida naloo xaqiijiyey ka guda ballaarnaan doona sidii hore, iyadoo la isla soo qaadi doono qaddiyado kale oo ay ka mid yihiin amniga, arrimaha ciidamada, iyo xiriirada ku xeeran xagga nabadgalyada.

Waftiga R/wasaaraha dawladda federaalka Cumar Cabdirashiid ayaa Garowe ku sugan maalintii saddexaad, mana jirin wax kulamo siyaasadeed ah oo dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay, inkastoo uu jirtay xog kala qaadasho labada geesood ah.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com