Wada hadal miyaa u socda Puntland iyo Somaliland?

Wada hadal miyaa u socda Puntland iyo Somaliland?

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta saxaafadda kula hadlayay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland ayaa waxaa uu kusoo qaaday hadal kasoo baxay wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland oo ku saabsan inay wada hadalo kula jiraan Puntland.

Wasiir Qarjab ayaa sheegay inuu socon wax wada hadal ah oo ay kula jiraan Somaliland, isagoona hadalka wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland ku tilmaamay mid uu ku doonayo inuu shacabka been uu ugu sheegayo.

Wasiirka ayaa sheegay dadka kasoo jeeda deegaamada Somaliland iyo guud ahaanba Soomaaliya inay xor u yihiin oo dhulkooda yahay ayna ku ganacsan karaan maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Hoos kadhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com