Wacal Daray ah: Agaasimaha Guud ee Radio Daljir oo isku day dil ka badbaaday

Wacal Daray ah: Agaasimaha Guud ee Radio Daljir oo isku day dil ka badbaaday

Agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Shiikh Maxamed (Tallman) ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii rasaas uu ku weeraray askari kamid ah bilayska Puntland ee magaalada Bossaso.

Askariga ayaa isaga oo ku qaylinaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey” waxa uu xabbado afsaar ah ku ridey Agaasimaha oo xilligaas ka soo baxay xarunta idaacadu ku leedahay magaalada Boosaaso.

“Ilaahay baa i badbaadiyey, xabbad afsaar ah ayuu igu ridey ninkaas askariga ah,” ayuu yiri Tallman.

Marka magaca ama amarka masuuliyiinta lagu gaaro go’aan in la jaro ama halis la geliyo nafta muwaadin Puntland loona ordayo kursiga ugu sareeya dalka, maxaa dalka iyo dadka u danbayn doona?

Maamulka Radio Daljir waxa uu u qaatay in tani ay ahayd farriin cad oo muujinaysa hadafka shaqsiyaadka raba in ay hoggaamiyaan dadka iyo deegaanka Puntland.

Musharrax Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano, Taliyihii hore ee Ciidamadda Ammaanka Puntland ee PSF (Puntland Security Force), haddana ah musharrax Madaxweyne Puntland ayaa Radio Daljir horay farta ugu fiican musuqa baahsan ee lagu tuhmayo iyo waliba dhammaan maamulkii PSF iyo taliyayaashii oo uu ku soo koobay qaraabadiisa hoose.

Musharrax Asad Diyaano oo xilkii Taliyaha PSF ka degay, horayna uga dhaxlay aabbihiis Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa xilkii taliyenimo ee ciidanka PSF hadda ku wareejiyey walaalkiis Maxamuud Cismaan Cabdullaahi. Musharrax Diyaano iyo xafiiskiisa xiriirka bulshada ayaa dhammaantood ka gaabsaday in ay ka jawaabaan su’aalaha Radio Daljir ee musuqa hareereeyey ciidamada PSF iyo waliba ammaanka Bossaso oo faraha ka sii baxaya.

Maamulka Radio Daljir illaa iyo hadda lalama socodsiin in la soo qabtay ama la xiray askarigii isku dayey in uu Tallman, Agaasimaha Guud ee Radio Daljir, dilo asaga oo isku dayga dil ku sababaynaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey?”

Daljir kala soco warar dheeraad ah oo ku saabsan isku dayga dil ee Agaasime Tallman.

Diwaanka Wararka
Radio daljir

Wararkii hore ee Musharrax Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano

Musuqa iyo musharrixiinta Puntland: Yaa la aaminaa? (dhegayso)

Ammaanka Puntland, ciidamada amniga iyo askariga indhoshareeran ee Bossaso (qaybtii 2aad)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com