Wacaal Darey ah: Wasiirkii amniga Jubbland Cabdirashiid Janan oo gaaray kismaayo

Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa goor dhoweyd ka degey xeebta magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Kadib maalmo aan laga war hayn meel uu joogo ayuu ugu danbayn tegey Kismaayo.

Cabdirashiid Janan ayaa goor dhow la filayaa inuu la hadlo warbaahinta.

Waa kuma Cabdirashiid Janan?

Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da’yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.

Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya.

Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya.

Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi.

Dagaallada uu ka qeybgalay

 

 

Cabdirashiid Janan waxaa la sheegaa inuu dagaallo kala duwan ka qeybgalay.

Sagaashameeyadii wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii u dagaalami jirtay ururka Al-Itixaad ee ka soo horjeeday ciidammadii Itoobiya ee Gedo soo galay, kaas oo uu ka soo helay khibraddiisa dagaal walow aanan la ogayn tirada dagaallada uu waqtigaas galay.

Markii uu noqday gudoomiyaha degmada Doolow, waxa uu bilaabay inuu abaabulo ciidamo isaga ka amar qaata oo daacad u ah kuwaas oo ay u tababareen una qalabeeyeen ciidammada Itoobiya.

Dagaalladii ugu cuslaana wuxuu la galay ururka Al-Shabaab oo muddadaas haystay inta badan degmooyinka gobolka Gedo.

Hasayeeshee Cabdirashiid Janan wuxuu ku dhaawacmay mid ka mid ah dagaalladii uu la galay ururka Al-Shabaab. Waxaa la sheegaa in dagaalkaasi uu Shabaab iyo ciidammadiisa ku dhexmaray inta u dhaxaysa magaalooyinka Luuq iyo Garbahaarey.

Shilkii gaari

Cabdirashiid Janan, bilowgii sannadkii 2015-kii, wuxuu dalka Itoobiya ku galay shil gaari. Dhaawac culus ayaa shilkaasi ka soo gaaray waxaana markii hore lagu dabiibay isbitaal ku yaalla dalka Itoobiya markii dambana dibadda ayaa loo sii qaaday.

Shilkaas wuxuu saameeyay caafimaadkiisa. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur waxaa wajigiisa ka muuqda raadka qalliinnadii lagu sameeyay intii lala tacaalayay.

Muddo ayuu ka maqnaa xafiiska awoodda badan ee uu ka hayay maamulka Jubbaland ee ah wasiirka amniga.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com