Wacaal Darey ah: Wasiirkii Amniga Jubaland oo Muqdisho lagu xiray

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradah ee magaalada Muqdisho waxa ay ku xireen Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo ku sii jeeday sida lasheegay dalka Itoobiya.

C/rashiid Janan ayaa loo heystaa eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

Booliska Soomaaliya ayaa horay dambiyo ku soo oogay, waxaana jiray amar Maxkamadeed oo soo qabasho iyo horkeenid Maxkamad oo lagu soo oogay Mr Janan.

Hase ahaatee bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.

dowladda Soomaaliya ilaa iyo haatan kama aysan hadlin xariga Wasiirka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com