Wacaal Darey ah: Wabiga Shabeelle oo latagay mas’uuliyiin uu kujiro guddoomiyihii gobolka

Wacaal Darey ah: Wabiga Shabeelle oo latagay mas’uuliyiin  uu kujiro guddoomiyihii gobolka

Wararka ay Idaacada Daljir ka helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Doon ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Hiiraan oo isaga kala gooshayay xaafadaha ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabelle ayaa saaka rogmatay, xilli ay ku guda jireen qiimeynta iyo kormeerka baaxada uu gaarsiisan yahay fatahaadaha wabiga shabeelle.
doontan ayaa waxaa saarnaa 20 qof oo uu ka mid ahaa Duqa magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo dad kale.

waxaa la soo sheegayaa in ay bad qabaan Duqa magaalada Beledweyne iyo mas’uuliyiintii kale ee safarka ku wehelisay, hase ahaatee waxaa jira dad kale oo la la’yahay iyo qaar markii doonta qalibantay inta ay dabaasheen dul saaran yihiin geeedaha iyo guryaha dushooda.

Dadka la la’yahay ayaa waxaa ka mid ah La Taliyaha Arrimaha Haweenka Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ciidamo ilaalinayay oo doonta la saarnaa.

Fatahaadaha uu sameeyay Wabiga Shabelle ayaa saameyn xooggan ku yeeshay xaafadaha magaalada, oo ay biyo badan gudaha u soo galeen, kana barakaceen kumanaan qoysas, waxaana xaafadaha Beledweyne iyo Wabiga ay noqdeen kuwo isku darsamay.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com