Wacaal Darey ah: Taliyeyaal ciidan oo la magacaabay iyo qaar kale oo shaqada laga ruqseeyay

Wacaal Darey ah: Taliyeyaal ciidan oo la magacaabay iyo qaar kale oo shaqada laga ruqseeyay

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, iyadoo si buuxda Taliyaha NISA loogu magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddo 10 bilood ahaa Sii Haye.

golaha Wasiirada ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka u magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge, iyadoo xilkaas laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska laga qaaday Jen, Bashiir Cabdi.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa loo magacaabay Jen. Mahad C/raxmaan Aadan oo horay u ahaa Taliyaha Booliska Koofur Galbeed, waxaana xilka Taliyaha Asluubta laga qaaday Jen. Bashiir Goobe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com