Wacaal Darey ah: Tahriibayaall lagu dilay Bosaaso

Wacaal Darey ah: Tahriibayaall lagu dilay Bosaaso

Magaalada Bosaaso laba Nin oo Oromo ah ayaa dil loogu gaystay xaafada Xerya Cawska oo ku taaa dhanka waqooyi ee magaalada,wuxuuna mid kamid ah labadaasi Nin uu udhintay dhaacaii soo gaaray .

lama oga ilaa iyo haatan cida ka dambaysa dilka Oromadan iyo sabata loo beegsaday.

Itoobiyaanka iyo Oromada ka yimaada dalka Itoobiya ayaa waxa ay Bosaaso utahay marinka ay uga talaabaan dalalka Carabta oo ay uraadsadaan nolol ka duwan mida ah ay dalkooda ku haystaan, halka qaar koodna ay ku nagaadaan magaalada oo ay ka furtaan goobo ganacsi.

Shacabka ku nool magaalada Bosaaso ayaa Warbaahinta ka sheegay marar badan in itoobiyaanka farahabadan ee ku sugan magaalda ay ku hayaan caafimaad daro iyo dahaqan ka duwan midka islaamka.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay taliska qaybta Booliska gobolka Bari iyo maamuka gobolka.

Shalay ayay ahayd markii israsaaseen ay ku dhexmartay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga toosan magaalada Bosaso Ciidamada amniga iyo koox la sheegay in ay dad ka tahriibinayeen deegaankaasi .

Xasan Heykal Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com