Wacaal Darey ah: Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Shabeelaha Hoose

Wacaal Darey ah: Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen  Shabeelaha Hoose

Kooxda Al-shabaab ayaa labo gaari oo laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa waxa ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

qaraxa hore ayaa waxaa lagu dhuftay albaabka xerada laga soo gal, halka qaraxa labaadna daqiiqado kadib uu ka dhacay gudaha xerada ciidamada.

ilaa iyo afar askari ayaa ku dhintay qaraxan, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

ciidamada lagu weeraray xeradan ayaa qayb ka ahaa ciidamadii dhawaan la wareegay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in mas,uuliyada weerarkaasi ay ka dambeeyeen kooxdooda.

Sarkaal uhadlay ciidamada Danab ayaa sheegay in weerarkan ay fashiliyeen oo ay ka hortageen.

Dadka falanqeeya amniga Soomaaliya ayaa arintan ku tilmaamay qorshe xumo haysata saraakiisha ciidamada hogaaminaysa kuwaas oo isdhigtay.

Diiwaanka warka
radio Daljir Qardho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com