Wacaal Darey ah: Warar dheeraad ah oo kusaabsan qaraxa maxkamadda Bosaso

Wacaal Darey ah: Warar dheeraad ah oo kusaabsan qaraxa maxkamadda Bosaso

Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari oo ku taala dhabarka dambe ee Isbitaalka wayn ee Bandar Qaasim Bosaaso.

Jugta qaraxa ayaa waxaa laga maqlay intabadan xaafadaha magaalada Bosaaso, waxaan goobta xiray ciidamada amniga oo dadka u diiday in ay soo galaan.

Isbitaalka ayaa waxaa lakeenay dhawaca ilaa iyo 10 qof, mana jirto ilaa iyo hada wax dhimasho ah.

Qaraxan ayaa xiligii uu dhacayay waxaa Makamada ka socotay dacwadihii madaniga ahaa waxaan ku sugnaa dad aad ufarabadan.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad Abuubakar Cabdinuur ayaa Daljir usheegay in xiliga uu dhacayay qaraxa gaarigiisa uu sii galayay Maxkamada.

Maxkamada ayaa maalin kahore waxa ay xukuntay xubno katirsan kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan magaalada Bosaaso lagu dilay laba qof oo shacab ah.

Majirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas,uuliyada qaraxan, dowladduna kama aysan hadlin.

Xasan Heykal, Daljir Bosaaso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com