Site icon Radio Daljir

Wacaal Darey ah: Nabadoon Caan ah oo Boosaaso lagu dilay

Kooxo Baastoolado kuhubaysan ayaa caawa gudaha magaalada Boosaaso mid kamid ah Nabadoonada gobolka Bari oo lagu magacaabo Cismaan Axmed Askar.

dilka ayaa ka dhacay xaafada New Boosaas.

kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta isga baxsatay, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada amniga oo howlgalo ka bilaabay xaafada uu dilku ka dhacay.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmihii udambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsanayay ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta dowladda xilalka ka haya.

Majirto ilaa iyo haatan cid ay Hay’adaha amniga gobolka u soo qabteen dilalkii dhacay oo Warbaahinta loo soo bandhigay.

Diiwaanka wararka.
Daljir Boosaaso.

Exit mobile version