Site icon Radio Daljir

Wacaal Darey ah: MKX Axmed Karaash oo sheegay in aysan Puntland gorgortan ka geli doonin gobolada Sool & Sanaag

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cisman (Karaash) ayaa siweyn uga horyimid baaqii Madaxweyne Deni uu ujeediyey Soomaliland ee ahaa in ay wadahadal ka yeeshaan gobolada ay isku hayaan labada maamul.

Qoraal kaso baxay xafiiska madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa lagu sheegay inaysan Puntland gor gortan kageli doonin deeganada Soomaliland ay ka haysato.

Hadalkaan waxa uu imaanaya xili maanta ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaaliland uu dagaal ku dhexmaray gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Hadaaftimo, halkaas oo guddoomiyihii Soomaaliland looga qabsaday gaari uu watay.

Akhriso.

Exit mobile version