Wacaal Darey ah: Kiiskii Caasho Ilyaas oo markale dib loo dhigay

Wacaal Darey ah: Kiiskii Caasho Ilyaas oo markale dib loo dhigay

Maxkamada gobolka Nugaal ayaa markale maanta waxa ay dib udhigtay dhegaysiga kiiskii kufsiga iyo dilka isugu jiray ee loo gaystay marxuumad Caasho Ilyaas Aadan.

Maxkamada ayaa maanta waxaa la hor keenay eedeesanayaashii kiiiskan loo haystay in ay ku luglahaayeen,balse qareenadii udoodaday ayaa codasday markale in waqti lasiiyo .

Kiiska ayaa sabtidii aynu soo dhaafnay waxaa la hor eenay maxkamada gobolka Nugaal,iyadoo ay maanta ku ekeed mudadii ay qabsadeen qareenadii udoodayay eedaysanayaasha in loogu daro waqti dheeraad ah si ay gal dacwadeedkooda u soo dhamastiraan oo ay maxkamada u keenaan cadaymo ka bari yeelaya ragan in ay dambigaasi galeen.

Arinta Caasho Ilyaas ayaa soo jiitamaysay mudo saddax bilood ku dhaw oo ay maxkamadaha iyo laamaha amniga ay iska daba wareegayeen.

Ilyaas Aadan oo ah aabaha dhalay Caasho Ilyaas ayaa warasi uu horay usiiyay radio Daljir waxa uu ku sheegay in aysan dowladda ka helin cadaaladii ay ka sugayeen.

lama oga kiisakn sida uu ku dhamaan doono iyo halka ay arintu sal dhigan doonto.

Xasan Heykal,Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com