Wacaal Darey ah: Ganacsade caawa lagu dilay magaalada Boosaaso

Wacaal Darey ah: Ganacsade caawa lagu dilay magaalada Boosaaso

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Bosaso ayaa sheegaya in la dilay mid ka mid ah ganacsade magaalada Bosaso.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jaamac Quurshe, waxaana dilkiisa geystay koox ku hubeysnayd bastoolada.

Ganacsadaha la dilay ayaa ka ganacsan jiray dhaawooyinka.

Dilka ayaa ka dhacay istaanka laga raro gaadiidka usafra degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ganacsatadaha ayaa la dilay xili uu ka soo baxay mid ka mid ah masaajidada magaalada ee uu ku soo tukaday salaadda makhrib sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsatay goobta.

Dilalka qorsheysan ee lo geysanaya ciidamada kale duwan, ganacsatada, dadka u shaqeeya dowladda iyo hal doorka ayaa ku soo badanayey mudooyinkan magaalada Bosaso.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com