Wacaal Darey ah: Dagaal kasocda degmada Baladxaawo

Wacaal Darey ah: Dagaal kasocda degmada Baladxaawo

Dagaal culus oo udhexeeya ciidamada dowladda Federaalka ee dhowaan la geeyay degmadaas iyo Ciidamada daraawiishta Jubblanad ayaa waxa uu ka socdaa haatan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa degmada Beledxaawo duleedkeeda dhaq dhaqaaqyo ka waday Ciidamo uu hoggaaminayay C/rashiid Janan oo bilo ka hor ka soo baxsaday dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa dhowaan la wareegtay gacan ku heynta maamulka saddex degmo oo kala ahaa Luuq, Doolow iyo Beledxaawo oo hoostagayay Maamulka Jubbaland, iyadoo la geeyay Ciidamo diyaarado looga qaaday Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com