Saaka hiirtii waaberi kooxda Al-shabaab ayaa waxa ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan oo BBC la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay ku soo qaadeen Argagixisada ay iska caabiyeen, wuxuunaa sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen labo askari halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Gallan waxaa uu sidoo kale sheegay in dhanka Al-shabaab ka dileen saddex kamid al-Shabaab.
Ma aha markii ugu horaysay oo ay Al-shabaab sidan oo kale weerar ku soo qaadaan saldhiga ciidamada Puntland ee Af-urur. Sannadkii 2016 ayey Al-Shabaab isla saldhigga Af-urur ku soo duuleen kuna dileen askar Puntland.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
U Jawaab NuurkaNederland Buri halceliska