Wacaal Darey ah: Dab xoogan oo ka kacay Warshada Isbuunyada ee Garowe (daawo)

Dab xoogan ayaa goor dhawayd ka kacay Warshada Isbuunyada ee magaalada Garowe waxaan jira khasare hantiyeed oo uu dabkaasi dhaliyay.

Lama oga sababta dhalisay dabkan ilaa iyo haatan, waxaana socda gurmad kala duwan oo ay wadaan dowladda iyo ganacsatada.

Kooxda dabdamiska ayaa goobta kusugan oo la tacaalaya daminta dabkan si uusan ugu sii fidin magaalada inteeda kale.

Xiligan oo kale bilaha xagaaga waxaa jirta dabayl xoogan taas oo sii kordhin karta in dabku uu sii fido hadii aan lagu guulaysan daminta dabka.

Wariye yaal kasocda Daljir ayaa goobta gaaray oo soo tabinaya khasaaraha dabkan ka dhashay.

Daawo

Xasan Heykal. Daljir Garowe.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com