WACAAL DAREY AH: Ciidamadda Ahlusunna oo ka baxay magaalada Guriceel

HomeWararka

WACAAL DAREY AH: Ciidamadda Ahlusunna oo ka baxay magaalada Guriceel

Ciidanka Ahlu-sunna ayaa fariisinkii ay kulahaayeen aagga Jaamacadda kabaxay ayagoo wata Gaadiidkooda dagaalka, waxaana ay kubaxeen waddada deegaanka

Madaxda Qaranka oo ka qeybgalay salaadda janaasada Marxuumad Xasno
Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qaybgelaya Xuska Maalinta Dhalinyarada
Dal Lo’aad oo 27 km Ceerigabo u jirto oo bulshadu codkooda ka dhiibteen maanta

Ciidanka Ahlu-sunna ayaa fariisinkii ay kulahaayeen aagga Jaamacadda kabaxay ayagoo wata Gaadiidkooda dagaalka, waxaana ay kubaxeen waddada deegaanka Gowd wiil ee dhacda dhanka Waqooyi Beri ee Guriceel.

Ururka Ahlu-sunna ayaa fariisinka ay ku lahaayeen Jaamacadda waxaa ay uga tageen labbo Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bile oo ay lahaayeen Dowladda kuna qabsadeen dagaalkii Bohol kal hore ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlu-sunna ay uga baxeen qaab Wadahadal ay gar wadeen ka ahaayeen Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid.

Ciidamadda Dowladda ayaa hadda galay fariisimihii xoogganaa ee Ahlu-sunna ku lahaayeen halka loo yaqaanno Jaamacadda waxa ayna kawadaan baaritaano.
Diiwaanka Warka.
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: