Wacaal Darey ah: Cadan oo gacanta ugashay xoogag gooni u goosad ah

Wacaal Darey ah: Cadan oo gacanta ugashay xoogag gooni u goosad ah

Xarunta madaxtooyada ee ee dalka Yaman ayaa saacado kooban waxa ay gacanta ugashay koox gooni u goosad ah oo ka soo jeeda koonfurta magaalada Cadan, kuwaas oo taageero ka hela Imaardka Carabta.

Kooxdan ayaa doonaysa in madaxbanaani la siiyo Koonfurta Yemen.

dagaal saacado qaatay ayaa waxaa ku dhintay 40 qof oo shacab ah, halka dhaawaca uu gaaray ilaa iyo 260 qof.

Ciidamada dowladd ayaa intooda badan ku sugan qayb yar oo koonfurta magaalada ah.

Isbahaysiga Sacuudiga uu hogaaminayo ayaa sheegay in ay qaadi doonana talaabo milatari.

Xaalada magaalada ayaa dagan kadib afar maalmood oo uu ka socday dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxda Xuutiyiinta.

Xasan Heykal, Daljir Qardho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com