Wacaal Darey ah :Cabdicasiis Laftagareen oo ku guulaystay doorashadii Koonfur Galbeed

Wacaal Darey ah :Cabdicasiis Laftagareen oo ku guulaystay doorashadii Koonfur Galbeed

Xildhibaanada maamulka  Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta madaxweynaha maamulkaasi u doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  oo ka mid ahaa  5 musharax oo utartamayay dorashadan.

147 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibatay ,waxaana uu helay 101 cod.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa  durbadiiba waxaa loo dhaariyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya .

Markii lagu dhawaaqay natiijadii uu helay ayaa waxa uu lahadlay Warbaahinta ,waxaana uu sheegay in maanta ay tahay  maalin weyn oo taariiqi ah isagoo u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed ee codkooda siiyay iyo kuwii aan ucodeenba .
Cabdicasiis Laftagareen ayaa u jan jeedha dhanka dowladda Soomaaliya .

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com