Wacaal Darey ah : Baarlamaanka Galmudug oo guddoomiye u doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal

Wacaal Darey ah : Baarlamaanka Galmudug oo guddoomiye u doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal

Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa loo doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kaddib doorasho goor dhow ku soo gabagabowday magaalada Dhuusamareeb.

Dr. Gacal oo ahaa Musharaxii ay taageersaneyd Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ku adkaaday si aqlabiyad ah, gaar ahaan saddex meel labo meel, sidaasna wareeggii koowaad ku soo dhamaaday.

Intii ay socotay codeynta ayaa markii uu Musharax Dr, Gacal uu gaaray codka hal dheeriga ana 46 cod, aya waxaa sawaxan is qabsaday hoolka ay ka socotay doorashada, taasoo muuqatay intii codeynta socotay inuu helay tiradii guusha.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso gaar ah laheyd, ayaa hadana waxaa loolanka ahaa mid aan ka marneyn habka awood qeybsiga, sida Kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka cida qaadan doonta.

Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana Dr. Maxamed Nuur Gacal uu helay codod dhan 54 cod, halka Musharaxii ku xigay C/naasir Aadan Cusmaan uu helay 34 cod, waxaa xumaaday  hal cod.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com