Kooxo baastoolado ku hubaysan ayaa caawa isgoska xalwo Banaadir ku toogtay askari katirsan ciidamada Booliska gobolka Bari oo lagu magcaabo Sharmaarke Axmed Waabari,halka mid kalena lagu dhaawacay weerarkan.

Askarta la weeraray ayaa watay gaari nooca Barabokista loo yaqaan oo uu ku buufisnaa calaamada Booliska kuwaas oo dhawaan loo qaybiyay saldhigyada ciidamada Booliska ee gobolka Bari.

Kooxdii dilka fulisay ayaa dubadiiba goobta isaga baxsatay, waxaana goobta soo gaaray ciidamada amniga oo baaritaan ka wada isgoska uu dilku ka dhacay.

Isbuuc ka hor ayay ahayd markii qarax miino lagula eegtay bartamaha magaalada Bosaaso gaari ciidan oo marayay xaafada Al-raxma waxaan ku dhaawacmay ilaa iyo sadax askari.

Majirto ilaa iyo haatan cid sheegatay weeraradii ka dhacayay maalmahan magaalada Bosaaso,iyadoo ay gobolka Bari ay ka dagaalamaan Ururada Al-shabaab iyo Daacish.

Xasan Heykal, Daljir Bosaaso.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *