Wararka uu Radio Daljir ka helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay maanta la wareegeen deegaanka hoostagay Dur-Duri oo Bosaaso qiyaastii ujirta 100 kmtr.
deegaankan ayaa ah deegaanka istaraatiiji u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka ee gobolka Sanaag.
dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujiyay soogalitaanka kooxda Al-shabaab ee deegaanka oo aan la’ogayn qaabkii ay ugu suutagashay.
Al-shabaab ayaa si nabad ah kula wareegay deegaanka,mana jirto wax iska caabin ah oo ay lakulmeen.
Jimcihii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii kooxda Al-shabaab weerar ay kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka Puntland ay ku lahaayeen degaanka Af-Urur ee gobolka Bari, waxaana dagaalkaasi ciidamada Puntland sida uu sheegay wasiirka amniga kaga dhintay labo askari halka Al-shabaabna ay kaga dileen shan kamid ah ragii weerarka soo qaaday.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
U Jawaab NuurkaNederland Buri halceliska