Wacaal Daray ah:Dekedda Bosaaso oo caawa si rasmi ah u shaqo bilowday

Ilaa iyo lix doonyood oo ganacsi ayaa caawa kusoo xirtay dekedda Bosaso oo hakad uu ku jiray shaqadeeda muddo ka badan todobo cisho, waxaana laba ka mid ah doonyaha ay yihiin kuwa xoollaha nool ka qaadaya, afar ka mid ahna waa doonyo badeecado kale duwan ku raranyihiin oo ka yimid wadanka Imaaraatka Carabta.

Wasiiro katirsan dowladda Puntland, ganacsato iyo maamulka gobolka Bari ayaa hadda kusugan dekedda oo la filayo inay warbaahinta ay sitoos ah ula hadlaan.

Heshiis ku meel gaar ah oo ganacsatada iyo dowladda dhexmaray maanta ayaa waxaa lagu gaaray inay dowladda ay bixiso qayb ka mid lacagta laga rabo ganacsatada muddo todobaad ah, lacagtaasi oo lagu wareejinayo shirkadda P & O Ports.

Mudada dekedda ay xirnayd ayaa saameyn ku yeelatay ganacsigii kale duwanaa ee kasocday Puntland iyo gobolada kalle ee u dhow, gaadiidka badeecadaha qaada iyo dadka ka shaqaysan jiray dekedda oo noloshoodu ku tiirsanayd dejinta iyo raridda alaabaha dekedda imaanayay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Wacaal Daray ah:Dekedda Bosaaso oo caawa si rasmi ah u shaqo bilowday”

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com