Wacaal daray ah: Taliyihii Saldhiga Booliska Suuqa Gaalkcyo oo Qarax lagu dilay (Sawiro)

Wacaal daray ah: Taliyihii Saldhiga  Booliska Suuqa  Gaalkcyo oo Qarax lagu dilay (Sawiro)

Wararka nagasoo gaaraya Magaaladda Gaalkcyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Taliyihii saldhiga Cusub ee Suuqa Gaalkcyo dhinaca Madaxtooyada Puntland gordhawayd uu ku dhintay ,kadib qarax loogu xiray gaarigiis oo ahaa nooca Raaxada.

Allaha u naxariiste Taliyaha Dhintay oo lagu magacaabayCali Ibraahim Cali (Cali Magafe) ayaa la sheegay in uu kayimid hoygiisa magaaladda Gaalkcyo,markii uu gaariga la qarxayeey.

Goobta uu Qaraxa kadhacay waxaa soo gaaray Ciidamo katirsan Puntland oo howlgal ka sameyaay goobta uu qaraxa kadhacay,ilaa iyo haddana lama garanayo ama cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Miino ee lagu Khaarajiyeey taliyihi Saldhiga qeybta Gaalkcyo.

Wixii kuso kordha Radiodaljir.com kalasoco

Hoos kadaawo Sawiradda kaso qaadnay goobta qaraxa

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com