Wacaal Daray ah: Qarax Hadda ka Dhacay Xamar, Aagga Dekedda (dhegayso)

Wacaal Daray ah: Qarax Hadda ka Dhacay Xamar, Aagga Dekedda (dhegayso)

Xamar – Qarax gaari oo jugtiisa si xooggan looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay nawaaxiga Dekada Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la sheegay in uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo dad shacab ah ay ku sugnaayeen.

5 Qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan hooyo iyo wiilkeeda, 6 kalena way ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa ka dhacay derbiga Dekada Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, Cabdifatax Xalane, ayaa saxaafada uga warbixiyeey qaraxa iyo khasaraha uu geeystay.

Hoos ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com