Wacaal Daray ah: ONLF iyo Ururada Hubaysan ee Itoobiya oo laga saaray liiska madow

Wacaal Daray ah: ONLF iyo Ururada Hubaysan ee Itoobiya oo laga saaray liiska madow

Xubnaha Baarlamaanka ee Itoobiya ayaa maanta si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraarka liiska Argagixisada looga saaro Ururada Ginbot 7, OLF iyo ONLF, kuwaasi oo dagaal ay kula jirtay dowladda Itoobiya.

Qaraarkan ayaa waxaa horay usoo ansixiyay golaha wasiirada ee Itoobiya, waxaaana loo soo gudbiyay baarlamaanka Itoobiya oo maanta ansixiyay.

Talaabadan ayaa loo arkayaa inay qayb ka tahay isbadalka uu wado raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya, oo taageero ka helay gudaha iyo dibadda Itoobiya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 6 years ago

    WARKAASI WAXAA KA NAXAYA ING YARIISOOWGII SHALAY DHAHAYEY ONLF WAA ARGAGAXISO MAANTANA MUXUU DHIHI?
    SHAME ON YOU.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com