(WACAAL DARAY AH) Midowga Yurub oo ku dhawaaqey in ay xariirka u jarayaan DFS, hadii…

Muqdisho May 20, 2016 Midowga Yurub war ka soo baxay goor dhaw oo Nuqul kamid ah uu soo gaaray Radio Daljir, waxaa lagu sheegay in ay ka fiirsanayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Midowga Yurub waxay sheegeen in ay doonayaan in la meelmariyo heshiisyadii Hogaamiyaasha Soomaalidu ku gaareen in doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya, marka ay dhamaato waqti xileedka madaxda dawladda Soomaaliya ee hadda.

Qoraalka ayaa lagu cadeeyey in ay Midowga Yurub qeyb ka ahaayeen wakiilo caalami ah oo maalmihii ugu dambeeyey kusugnaa Muqdisho, kuwaas oo la kulmayey dhinacyada Siyaasada, waxaana lagu eedeeyey Madaxda dawladda Faderaalka & Xildhibaanada qaarkood in ay doonayaan mudo kororsi cusub.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com