Wacaal daray ah : Nin kamid ahaa shaqaalaha iskaashatada Gaadiidka oo Bosaaso lagu dilay

Wacaal daray ah :  Nin kamid ahaa shaqaalaha iskaashatada Gaadiidka oo Bosaaso lagu dilay

Kooxo Baastoolado ku hubaysnaa ayaa goor dhawayd waxa ay magaalada Bosaaso ku dileen qof shacab ah ,waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka gaysatay.

 

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay  Xaafada Raf iyo Raaxo oo ku taala bariga magaalada Bosaaso.

Ninkan ladilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Siciid Maxamed Maqadeeye ,waxaan uu ka tirsanaa iskaashatada gaadiidlayda ee magaalada Bosaaso ka dhex shaqaysa.

Ciidamada amniga ayaa goobta soogaaray , waxaana socda baaritaan xoogan oo lagu baadi goobayo kooxdii dilka gaysatay.

Amniga maagalada Bosaaso ayaa maalmahan sii xumaanayay ,waxayna ahayd maalin ka hore markii magaalada Bosaaso lagu dilay Afar qof oo ka soo jeeda Qoomiyaha Itoobiya .

Radio Daljir waxa uu isku taxalujiyay in uu laxiriiro saraakisha laamaha amniga , balse kama aysan jawaabin Telfoonka .

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas,uuliyada dlikaasi loo gaystay  dadka Itoobiyaanka ah .

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com