Wacaal Daray ah: Madaxwaynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadior

Wacaal Daray ah: Madaxwaynaha Soomaaliya oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadior

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday maamulkii hore ee gobolka Banaadir ee Thaabit Cabdi Maxamed, waxaana xilka loo magacaabay wasiirkii warfaafinta ee dowladda Cabdiraxmaan Yariisow.

Wareegtada ayaa lagu yiri sidaan hoose.

Markuu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisulWasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalka kala ah:
• Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir Ahna Duqa Muqdisho;

• Maxamed Cabdullaah Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

• Hussein Mohamed Nur waxaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada;

• Marwo Basma Omar Ahmed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta

• Aadan Sheikh Cali Fidow waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud

• Xoghayaha Guud waxaa loo magacaabay Cumar Abdirisaak Xuseen

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com