Wacaal daray ah: Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Faraweyne: “Gadiidka Ganacsi ee u Safra Somaliland, way hakisay Puntland ilaa Amar dambe“(dhegayso)

Wacaal daray ah: Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Faraweyne: “Gadiidka Ganacsi ee u Safra Somaliland, way hakisay Puntland ilaa Amar dambe“(dhegayso)

iyado Xiisada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland cirka isku shareertay ayaa haddana maamulka Gobalka Nugaal ee Puntland wuxuu soo saaray caawa go’aamo dhowr ah oo ku saabsan Gadiidka safarka ,isla markaana ganacsi inay yimadaan Puntland ,iyado la hakiyaay ilaa amar dambe.

Guddoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Faraweyne oo Caawa Xarunta daljir Garowe nagu soo booqday ayaa sheegay in Somaliland ay bilowda daandansi dagaal,isago ka hadlay dagaalki saaka Tukaraq kadhacay oo uu sheegay inay gacanta ku hayso Tukaraq Somaliland.

Dhinaca kale Guddoomiye Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay Caawa laga bilaabo ay hakiyeen nooc walba gadiidkii ka imaan jiray degaanada Maamulka Somaliland ,isla markaana aysan jiri doonin gadiid kabaxa Puntland oo galaya Somaliland.

Wuxuu sheegay in talaabo adag ay ka qaadi donaan Ciidamadda somaliland isla markaana Puntland difaaci doonto dhulkeeda.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xili saaka hiirti waaberi Ciidamo Somaliland katirsan ay qabsadeen dagaanka Tukaraq oo fariisin u ahaa Ciidamadda Difaaca Puntland.

Hoos kadhegayso codka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 4
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com