Site icon Radio Daljir

Wacaal Daray ah: Daacish oo Mar Kale Qandala Weerartay (dhegayso)

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka iyo masuuliyiinta qaar ee deegaanka Qandala ayaa sheegaya in caawa ururka Daacish uu weerar culus ku soo qaaday ciidanka difaaca aagga Qandala. Warar horudhac ayaa sheegaya in uu jiro khasaare, laakiin aan weli la xaqiijin karin inta uu le’egyahay khasaaruhu, isgaarsiinta deegaanka oo hawada laga saaray awgeed.

Daacish ayaa mar qabsatay Qandala, dagaal adag kabacdina laga saaray, laakiin marnaba kama aysan fogaan buuraha ka agdhow deegaanka Qandala.

Ciidamada Daacish ee weeraka gaystay ayaa dadka deegaanku Daljir ku wargaliyeen in ay ku jiraan rag 3 maalmood kahor laga siidaayey xabsiga Bossaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Wacays Dhedo, ayaa 3 beri kahor xabsiga ka sii daayey, cafisna u fidiyey rag isugu jira Alshabaab iyo Daacish horayna weeraro iyo dilal qorshaysan uga gaystay Puntland. Lama shaacin awoodda loo ageegsaday cafiska, lamana wargelin ehelada iyo agoonta weerarada Daacish iyo Alshabaab ay naafeeyeen.

Hoos ka daalaco warbixinta Radio Daljir iyo cafiskii Daacish ee 21ka Juun.

Faahfaahin dheeraad ah iyo waraysiyo dadka deegaanka Daljir kala soco.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhedo iyo AlShabaab: “Cafis baad Tihiin wixii Dadka iyo Dalka aad u Gaysateen Intaas ha Idin kaga Ekaato!”

Exit mobile version