Wacaal Daray ah: Daacish oo Mar Kale Qandala Weerartay (dhegayso)

Wacaal Daray ah: Daacish oo Mar Kale Qandala Weerartay (dhegayso)

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka iyo masuuliyiinta qaar ee deegaanka Qandala ayaa sheegaya in caawa ururka Daacish uu weerar culus ku soo qaaday ciidanka difaaca aagga Qandala. Warar horudhac ayaa sheegaya in uu jiro khasaare, laakiin aan weli la xaqiijin karin inta uu le’egyahay khasaaruhu, isgaarsiinta deegaanka oo hawada laga saaray awgeed.

Daacish ayaa mar qabsatay Qandala, dagaal adag kabacdina laga saaray, laakiin marnaba kama aysan fogaan buuraha ka agdhow deegaanka Qandala.

Ciidamada Daacish ee weeraka gaystay ayaa dadka deegaanku Daljir ku wargaliyeen in ay ku jiraan rag 3 maalmood kahor laga siidaayey xabsiga Bossaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Wacays Dhedo, ayaa 3 beri kahor xabsiga ka sii daayey, cafisna u fidiyey rag isugu jira Alshabaab iyo Daacish horayna weeraro iyo dilal qorshaysan uga gaystay Puntland. Lama shaacin awoodda loo ageegsaday cafiska, lamana wargelin ehelada iyo agoonta weerarada Daacish iyo Alshabaab ay naafeeyeen.

Hoos ka daalaco warbixinta Radio Daljir iyo cafiskii Daacish ee 21ka Juun.

Faahfaahin dheeraad ah iyo waraysiyo dadka deegaanka Daljir kala soco.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhedo iyo AlShabaab: “Cafis baad Tihiin wixii Dadka iyo Dalka aad u Gaysateen Intaas ha Idin kaga Ekaato!”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 8
  • Horay ayaan ugu dignay Dowladan aad bay uga jilicsantahay ladagaalanka Argagixisada, dowladu waa inay wixii shalay dhacay wax kabarato tii #Af-urur baan ogeyn, maalma kadib daacish ayaa loosoo dhoweeyey sidii rag Tartan kusoo guulaystay, halasoo dhoweeyo lkn waa in dhaqan celin loo sameeyo, oo meela gaar ah lagu hayo inta fikirkan khaldan kasuulayo.

    • Horta yaa cafiyey, yaa se lagala tashaday in la siidaayo? Guddoommiye gobol wax ma cafiyee ragga yaa cafiyey?

      • abti yariisoow 7 years ago

        ninkii afkiisa laga maqlay erayga, way haboonayd in uu sheego ga,aankaasi ayaan
        dawlada wadagaarnay, ama an u soo jeedinay waa ay nagu raacday, midna ma maqal anigu waan dhagaystaye.

  • warkaan idaacada hada kabaxayo kuma jiree mise webka io idaacadu isma maqlaan

  • maryama 7 years ago

    dacish dhip ta daya Muslim ma tihiin miya wa yaape

  • Ina cali gaas ayaa loo haystaa

  • xamdi 7 years ago

    dacish dhip ma ba deyso wa yape hadana qandala maxa u galey

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com