Wacaal daray ah: Ciidamo Talyaani ah oo Qarax Ismiidaamin ah Muqdisho lagula eegtay

Wacaal daray ah: Ciidamo Talyaani ah oo Qarax Ismiidaamin ah Muqdisho lagula eegtay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Ismiidaamin ah lala beegsaday kolonyo  ay la socdeen ciidamo Taliyaani ah.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay  meel ku dhaw Wasaaradda Gaashaandhigga ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho .

laba qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay weerarkan kuwaas oo marayay goobta uu Qarxu ka dhacay , waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 5 qof oo kale .

Kolonyadii ay la socdeen cidamada Talyaniga ayaa waxaa soo gaaray khasaare xoogan ,waxayna ahaayeen ciidamo Tababare yaal ah, oo katirsan midowga Yurub .

Al-shabaab ayaa sheegatay ma,uuliyada Qaraxan.

Dhanka kale Ururka Al-shabaab ayaa maanta waxa ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka  Goofgaduud  ee gobolka Bay, waxaan goota isga baxay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa deegaanka.

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com