Site icon Radio Daljir

Wacaal Daray ah: Askari ku geeriyooday weerar kadhacay Ceel-daahir

Askari katirsan ciidamada amaanka Puntland gaar ahaana kantoroolka Bosaso ayaa ku geeriyooday weerar kadhacay deegaanka Ceeldaahir oo katirsan degmada Carmo ee gobolka Bari.

Weerarka ayaa ka dambeeyey kadib markii rasaas ay fureen ciidamo deegaankaasi joogay oo doonayay inay dhacaan gaari qaad usoo waday magaalada Bosasaso ee xarunta gobolka Bari, kana yimid magaalada Qardho.

Askariga geeriyooday oo maydkiisa la dhigay isbitaalka guud ee Bossaso ayaa lagu magacaabi jiray Dhaga-wayne.

Gaadiidka qaadka wada  ayaa inta badan lagu dhacaa wadada laamiga ee isku xirta Bosaso iyo Qardho.

 

 

Exit mobile version