Wacaal daray ah: 4 Oromo oo lagu dilay Bossaso iyo mid dhaawac ah

Warar hadda soo gaaray Daljir Bossaso ayaa sheegaya in goob ay Oromadu degganyihiin oo ku taal xaafadda Saantoos ay xabbado ka dheceen, waxaana la xaqiijinayaa 4 dhimasho ah iyo hal qof oo dhaawac ah. Lama oga in uu yahay duullaan Oromada lala beegsaday ama mid ayaga dhexdooda ah.

Shalay ayaa xarunta gobolka lagu qabtay shir looga hadlayo ammaanka qowmiyadda Oromada, waxa ayna sheegeen hoggaankoodu in aysan jirin wax cabsi ama amni xumo ah oo hadda jirta.

Daljir kala soco warar la xiriira dhimashada iyo dhaawaca Oromada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com