Site icon Radio Daljir

Wabiga Shabeele oo markale ku fatahay xaafado ka tirsan Baladweyne

Wabiga Shabeelle ee dhexmara Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa markale waxaa uu bilaabay in uu ka fataho qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada oo ay dad rayid ah ay degan yihiin.

Wabiga ayaa waxaa uu fatahaad ka sameeyay Xaafadaha ku dhow dhow hareeraha wabiga iyo goobaha uu ka jabasado,,sida xaafada laanta Bacadaha iyo Kiliga Waraaboole, waxaana dadka degan ay bilaabeen inay ka barakacaan si uusan khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ugu geysan.

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasada iyo Maaliyada Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Degmada Beledweyne iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan ayaa kor meeray goobaha iyo Xaafada uu ku fatahay Wabiga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version