Waan-waan nabadeed oo lagu xallinayey xiisadihii colaadeed ee Karkaar oo meel waanagsan maraya.

Qardho, Oct 05 ? Dadaallo nabadeed oo aad u xooggan ayaa ka socda deegaanno miyi ah oo ka tirsan gobolka Karkaar ee maamulka Puntland halkaasi oo dhawaan ay ka soo cusboonaaday xiisad colaadeed oo u dhaxeeyey beelo ood-wadaag ah oo deegaankaasi wada deggan.

Odayaal dhaqameed, indheer-garad iyo mas?uuliyiin dawladda Puntland ah ayaa ku sugan deegaannada Xumbays iyo Uur-jire ee degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar, kuwaasi oo wada waanwaan nabadeed oo looga golleeyahay xal-ka-gaaridda xurguftaasi colaadeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga Puntland Cali Hayaan, oo maanta ka warramay Radio Daljir ayaa sheegay in arrintu haatan marayso meel-wanaagsan is-faham weynna laga gaaray mushkiladdii colaadeed, waxaana uu intaasi ku daray in uu ku han-weyn yahay dib dambe in aysan u dhicin falalkii horay u dhacay oo kale.

Agaasimuhu, waxaa uu sheegay dadka wax dhex-mareen in ay yihiin dad ehel ah oo wada dhashay, wax badanna ay ka dhexeeyeen, taasina ay sahashay durbo in uu soo dhalaalo is-faham iyo isku-tanaasul la xiriir dhibaatadii ka dhex-dhacday.

Xiisaddaan colaadeed ee haatan lagu hawlan yahay xal-ka-gaariddeeda ayaa oo ka curatay dhul-deeqsimeed iyo biyo roobeed oo dhawaan da?ay, taasoo sababtay dhimashada ka badan 10 ruux halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com