Waan Waan laga dhex waday Ra’iisul Wasaaraha xilka haya iyo Musharaxiinta oo guuldareystay

Waan Waan laga dhex waday Ra’iisul Wasaaraha xilka haya iyo Musharaxiinta oo guuldareystay

Shir lagu dhex-dhaxaadinayay Musharaxiinta dalka & siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa guuldaro kusoo dhamaaday.

Shirka ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qooqoor iyo xubno kale.

Xubnaha uu horkacayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waday sidii ay u kulmi lahaayeen Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble si ay uga wada hadlaan joojinta banaanbaxa Jimcaha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in waan wantii hore ay ku saleysneyd in xukuumadda xilka siiheysa ay raali-gelin ka bixiso wixii dhacay 19-kii Febaraayo, kadibna laga wada hadlo sidii xaalada loo qaboojin lahaa, hayeeshee la sheegay inay ku adkaatay dhinaca Madaxtooyada.

Xubnaha Midowga Musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud & Sheekh Shariif ayaa waxaa ay ku adkeysanayaan in Jimcaha uu dhacayo banaanbaxa, halka Madaxtooyda Soomaaliya ay xoog iyo xeelad u adeegsaneyso sidii lagu joojin lahaa.

Todobaadkii hore 19-kii Bishan Febaraayo ayaa dowladda Soomaaliya hor-istaagtay banaanbax ka dhici lahaa Taalada daljirka Daahsoon, halka Musharixiin ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre & Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur & tageerayaashooda la rasaaseeyay xilli ay ku banaanbaxayeen wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com