Waadigan Ladnaantii Lurku kuu Danbeeyee Leexadu ku Sidatee Shariif Maxaa Luray Naftaadii? (maqaal)

Waadigan Ladnaantii Lurku kuu Danbeeyee Leexadu ku Sidatee Shariif Maxaa Luray Naftaadii? (maqaal)

Waxaan soo xusuustay hees ximadi ku jirto ninkii rabi fahan siiyo,waxaa kamid ah weedh oranaysa “waa aa.. Aduunyoo! ileen aayo malahee” sharafiif waxa uu majaraha u haayay siyaasada koonfur galbeed kolba heer ay soo joogtaba mudo 15 sanadood ah laga soo bilaabo 2004-2018. mudadaas dheer ee uu talada haayay majiraan wax dhab ahaan la taaban karo oo ay ku xasuustaan shacabka dagaankaasi oo shariif qabtay.

Shariifka oo intii la dhisay koonfur galbeed isagu ahaa madaxweynihii u horeeyay,ayaa laga rajaynaayay in uu wax ka qabto deegaanada ka maqan gacanta maamulka koonfur galbeed kuwaasoo katarsan dawlad goboleedka koonfur galbeed.halkaa shacabka koonfur galbeed waxaa uuga yimid niyad jab aad u balaaran iyo rajadoodii oo jabtay.

Dhanka dhaqaalaha iyo amaanka waxba kama uusan qaban,waxa uuna ahaa madaxweyne qol ku jira oo shisheeye waar diyeeyo oo kaliya.wax arimo ganaacsi ah iyo hormar iyo dhan waxbarasho midna ma soo kordhin shariif. waxa uu u dhaqmay sidii mid hada kahor dalkeena soo maray oo inta loo qaatay nin mindhaa wax qaban karaaya,markii soomaali dooratay halkii uu amaanka dalka wax ka qaban lahaa oo wajihi lahaa ayuu guri isku soo xiray, cilaanle ayay ubixiyeen soomaalidu kadibna qaahira ayuu iska dagay.

Lama rabo cilaanle oo kale,madaxweyne waa in aan layska soo raadsan hadaan loo shaqaynayn dadka iyo dalka iyo diinta oo aan waxba la qabanayni. waa aragnaa halka ay taalo soomaaliya waxay u bahantahay kariti,geesinimo iyo xal. maha in laga dhigto meel lacag laga tacbado oo xoolaha dadweynaha lagu dhaco sidii maxishoode xasan oo kale oo dalkiiba ka dhigay beec wax u gadmi waaya mooyee,ka dhigay dalkeenii musuqmaasuq aduunyada ka jira kii uugu xumaa abid ee caalamka soomara.

Hadaba shariif maxaa sidan uu yahay ka dhigay? wax kale maha shariif waxa uu xiriir dhaqaale dhexmaray 1991 dadka soo duulay gobolada dhexe oo ku habsaday dhulka beeraha leh ee hodanka ah ee koonfur galbeed gaar ahaan gobolkiisa shabeelada hoose.shariif heshiis dhaqaale ayuu kula jiraa hada ilaa waagaas,isagoo hantidiisu taalo suuqa bakaaraha iyo kenya xulufadiisuna gacanta ku hayaan.

Arintan ayaa u ah sababta uugu weyn ee shariif deeganada maqan ufara galinin.shariif waxa uu iibsaday aayatiinkii iyo mustaqbalkii shacabka koonfur galbeed oo dhan,oo ka iibsaday kuwii dulmiga ku qaatay ku dagan ilaa hada dhulka koonfur galbeed marka iyo baraawe iyo dhulbeereedkii oo dhan. dantiisa shaqsiga ayuu eegtaa shariif mana aha qof masuuliyad shacab qaadi kara oo lagu aamini karo.

Koonfur galbeed waxaa ubadan beesha raxanweeyn hayeeshee waxay sharafka ku qadariyeen reerka uu kasoo jeedo iyo dhanka diinta oo ah reerka halka lagu qiimeeyo waana wax aad u wanaagsan in reeraha ehlu diinka ah sidaa loo xurmeeyo,laakiin lama xurmaynaayo kolkii ay xadka ka talaabaan,shariif maha nin iska dhawra xaaranta,marhadii uu illaahay xuduudiisii talaabayo wax lagu falaayo majiro oo lagu dhaqaalaystaa. inta qofku is ilaalinaayo oo rabi kabaqayo ayaa la ixtiraamayaa oo kaliya.

Shariif wuxuu hor taagan yahay jiritaanka koonfur galbeed iyo aayo katashigooda si ay uula mid noqoto maamul goboleedyada dhaqaaqay sida walaalahood Puntland,somaliland,jubaland.  Galmudug iyo hirshabeele wali majiraan wax looga daydo  maamulkii koonfur galbeed baydho oo kaliya ayuu ku xayiray.

Shariifku koonfur galbeed intay yeelatay maamul gobleedka iyo bilawgii 2004 isagaa horboodaayay, waxbadan buu ladnaayoo lacag kala walwaaloo shariifoowda la hayee maantay ka daba timid. wixii uu ubartay ayuu baafinayaa gablan talo aduuneey maxay galba heer joogtay! shariif filan waaga in uu meeshii dhaafay,waxay keentay in uu miciin moodo niman daad qaaday oo kala ah dr gaas iyo axmed madoobe iyo xaaf  isagu waare waxbuu fahmoo xikmaduu helay ah dadkaagaa dhinac karaac.

Shariif hada waa uun taariikh aan ka sheekaynaynee xiligiisii waa dhamaaday,waxaana hada muuqda in ay si buuxda isu raacaayso koonfur galbeed uugu horayna la sugayo amaanka iyo soo celinta gobolada maqan ee kujira gacanta manaxayaalka cadawga ah. intaa wixii kadanbeeya waxay noqonaysaa koonfur galbeed meel shacabku ku noolaado nolol fiican shacabkuna waa dad jecel soomaalinimada iyo dawladnimada oo sibuuxda uugu qanacsan dawladooda iyo madaxweyne FARMAAJO.

Raga hada ukacayna waa rag kala daran oo kii kusoo baxaaba waa ka karti badan yahay kan kale ama lamid yahay.waana rag koonfur galbeed u horseedi doona nabad iyo barwaaqo taasoo dan u ah guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan koonfur galbeed waana sida ah soomaalinimada iyo dawladnimada. Adeer soomaalinimo hadii la doonaayo waa in nin waliba uu aado gobolkuu u dhashay laakiin inta dad dhulkooda xoog lagu haysto iyo beerahooda majirayso is cafis iyo soomaalinimo midna.

Waxaan u rajaynayaa shacabka iyo dawlad goboleedka koonfur galbeed inay hantaan dhulkooda difaacdaan dawladooda fadaraalka ah iyo madaxweynahooda jecelna si buuxda ulashaqeeyaan si loo helo soomaali dawlad ah oo xoogleh oo sharafteedii soo ceshatay oo hanta xuduudaha dalkeena oo dhan bad iyo bari iyo cirba.

Ninkii dadkii khiyaameeyaa ninkii dalkiisa khiyaameeyaa ninkii diintiisa khiyaameeya ceeb iyo cadaab baa u danbayn. shacabka soomaaliyeed waa ilbaxeen lama siri karo hada.

Qore: Yuusuf Omar

Email: [email protected]

***
Maqaalka kore waa aragtida qoraaga oo kama tarjumayo aragtida Radio Daljir
***
Fadlan qoraaladaada iyo aragtidaada ku soo hagaaji emailka: [email protected]

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com