Waaciye oo laga daahfuray ballanqaadkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Farmaajo

Waaciye oo laga daahfuray ballanqaadkii ugu horreeyey ee Madaxweyne Farmaajo

Waaciye, 28, June, 2018 – Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maantay degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar ka fuliyay mashruuc lagu dhisayo iskuulkii ugu ballaarnaa ee  lagu baranayo farsamada gacanta.

Hirgalinta mashruucaan ayaa qayb ka ah ballanqaadyadii uu Madaxwaynuhu shacabka Puntland ka ballanqaaday xilligii uu safarka ku marayay deegaannada Puntland. Degmada Waaciye ayaana nasiib u yeelatay in laga bilaabo mashruucii ugu horreeyay.

Waxaa maantay si rasmi ah mashruuca u daahfuray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta Iyo Technology-ga Dowladda Soomaaliyo iyo lataliyaha Madaxwaynaha Soomaaliya dhanka arrimaha siyaasadda iyo mashaariicda,  Md. Cabdirisaaq Aadan Xassan (Durqun).

Daahfurka mashruuca ayaa waxaa xiga hirgalinta mashaariicdii kale ee Madaxwaynaha Soomaaliya u balanqaaday shacabka Puntland iyo Galmudug intii uu safarka ku marayay deegaannadaas.

Waxaa masuuliyiintaan ku soo dhaweeyay degmada Waaciye Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Wasiir Kuxigeenka Maaliyada ahna Duqa degmada Boossaaso, iyo dadweyne kor u dhaafaya boqolaal oo isugu jira issimo, ganacsato, aqoonyahanno,  haween Iyo dhalinyaro.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

  

  

  

  

  

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com