Waa tuma Feeryahanada Ramla Cali oo maanta Soomaaliya ku mataleysa tartanka feerka

Ramla Cali oo ah feeryahanad Soomaaliyeed oo ku mataleysa tartanka olombikada ee ka socda Japan ayaa kulankeedii ugu horeeyay ay maanta ciyaareysaa.

Waxay galabta la ciyaari doonta gabadha u dhalatay dalka Romania ee lagu magacaabo Maria Claudia Nechita halkaas oo ay ku wada feertami doonaan. Feerkooda ayaa noqonaya kii 16-aad ee tartankan.

Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleystay feer dalkaas.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com